Man United oo lagu garaacay Old Trafford & Macallin Ten Hag oo qaab qarow ah ku billowday waayihiisa Premier League

(Sevilla) 07 agoosto 2022. Manchester United iyo Macallinkeeda Erik Ten Hag ayaa waji gabax ku furtay horyaalka Premier League xilli ciyareedkiisa cusub ee 2022/23, kaddib markii galabta lagu garaacay garoonkooda Old Trafford, ciyaar ku dhammaatay 2-1.

Macallinka reer Holland ayaa kursiga keydka dhigay Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo, waxaana uu ku soo galay saf u badan xiddig khadka dhexe ah.

Brighton ayaa goolasha la horreysay waxaana goolka hore daah rogay Pascal Groß daqiiqaddii 30-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, kubbad uu caawinteeda lahaa Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Manchester United ee Welbeck, waxaana Brighton ay ciyaarta ku hoggaamisay 1-0.

Markale sagaal daqiiqo kaddib Pascal Groß ayaa shabaqa gaaray, waxaana uu ka faa’iideystay kubbad uu soo tufay goolhaye De Gea, waxaana lagu kala nastay 2-0 lagu hoggaaminayay Man United xilli qeybtii hore uu labo jeer shabaqa gaaray Groß.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaara Erik Ten Hag ayaa isbeddel sameeyey waxaana uu kulanka ku soo daray Cristiano Ronaldo, iyadoo Man United ay hal gool iska soo celisay, waxaana iska dhaliyey MacAllister oo ka tirsan Brighton, kulanka ayaa sidaas ku noqday 2-1 weli looga gacan sarreyey Man United oo mininkeeda joogta.

Qeybtii dambe ee ciyaarta Man United ayaa xoogaa isku xirkeeda dib u hagaajisay, balse taasi guuldarro kama badbaadin, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 lagu dubtay Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close