Man City oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda West Ham United, xilli Haaland uu shabaqa gaaray

(London) 07 Agoosto 2022. Man City ayaa saddexda dhibcood ka heshay kooxda West Ham United, kulankeeda ugu horreeyey Premier League xilli ciyaareedka cusub 2022-23, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka London Stadium.

Qeybtta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 36-aad Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay weeraryahankeeda cusub ee Erling Haaland, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Sky Blues.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Erling Haaland oo caawin ka helay saaxiibkiis De Bruyne ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda West Ham United oo ay ku booqatay garoonka London Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close