“Waan garanayaa sida loola ciyaaro Real Madrid” – Lewandowski

(Barcelona) 06 Agoosto 2022. Weeraryahanka cusub ee Barcelona Robert Lewandowski ayaa xilli hore bilaabay dagaal dhanka afka ah oo uu kula jiro kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, isagoo xaqiijiyay inuu si sax ah u garanayo sida loola ciyaaro Los Blancos.

Lewandowski ayaa Jimcihii lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou iyadoo ay ka soo qeyb galeen 57,000 oo taageerayaal ah, waxaana laacibka lagu sawiray maaliyada 9-aad ee xilli ciyaareedkii hore uu lahaa weeraryahanka reer Holland Memphis Depay.

Weeraryahanka reer Poland ayaa sharaxay inuu u bartay inuu wajaho Real Madrid, isla markaana uu yaqaan sida loola ciyaaro, lakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in diirada la saaro dhammaan kooxaha kale, ee kaliya aysan noqon Los Blancos.

Robert Lewandowski ayaa wareysiga uu bixiyay wuxuu kaga hadlay kulammada El Clasico, wuxuuna yiri:

“Waxaan mar walba diyaar u ahay inaan ka hor tago Real Madrid, waan garanayaa sida loola ciyaaro iyaga, xilli ciyaareedkii hore wuxuu u ahaa iyaga mid guul ah.”

“Waxaan halkaan u joognaa in aan ka adkaano iyaga, waan ognahay inay adkaan doonto, laakiin tani waa kubadda cagta.”

“Xili Ciyaareedka ma ahan kaliya Real Madrid, waa inaad mar walba diyaar ahaataa sababtoo ah waxaa jira kooxo kale oo waa weyn.”

“Waan ogahay inaan raadin doono inaan badino kulan walba, waxay noqon doontaa caqabad dhab ah.”

Robert Lewandowski oo ka hadlayay tartanka uu kula jiro Karim Benzema ee gooldhalinta horyaalka La Liga, wuxuu yiri:

“Kama fikirayo loolanka Real Madrid ama Benzema, waa gool dhaliye heer sare ah, waxa uu ku sugnaa La Liga sanado badan, waxa i quseeya ayaa ah in aan si fiican ula ciyaaro Barcelona ee ma ahan isaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close