Hordhaca: Fulham vs Liverpool – Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulankan ay labada kooxood kaga daah furanayaan Premier League

(London) 06 Agoosto 2022. Liverpool ayaa kulankeeda ugu horreeya horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub 2022/23, waxay maanta oo Sabti ah booqan doontaa garoonka Craven Cottage, si ay ula ciyaarto kooxda dhawaan soo dalacday ee Fulham.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa kaga dhammeystay booska labaad dhanka kala sareynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, halka Fulham ay damacsan tahay inay ka fogaato hoos u dhac degdeg ah oo ay dib ugu soo laabato heerka labaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Kulanka: Fulham vs Liverpool.

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Craven Cottage.

Garsooraha: Andrew Madley.

Wararka kooxaha:-

Jurgen Klopp ayaa xiddigo dhowr ah dhaawacyo kaga maqan yihiin balse warka wanaagsan ayaa ah inuu usoo laabtay goolhayaha koowaad ee kooxda Alisson Becker walow ay tahay inuu taam u noqdo haddii uu kulanka kusoo bilaaban karo.

Balse taas badelkeeda Liverpool ayay ka maqnaanayaan xiddigaha kala ah Ibrahima Konate, Chamberlain, Tsimikas, Naby Keita, Curtis Jones, Diogo Dalot iyo Kelleher.

Xiddiga ugu muhiimsan ee ka maqnaanaya Fulham ayaa ah Harry Wilson, da’yarkii hore ee Liverpool oo kasoo kabanaya dhaawac jilibka ah, sidoo kale Cottagers ayaa waayaya adeega Joe Bryan iyo Nathaniel Chalobah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Fulham XI: Leno; Mbabu, Adarabioyo, Ream, Robinson; Palhinha, Reed; Reid, Pereira, Kebano; Mitrovic

Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Firmino, Diaz.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close