Chelsea oo guul dirqi ah ka heshay kooxda Everton kulankeeda ugu horreeyey Premier League xilli ciyaareedka cusub 2022-23

(Liverpool) 06 Agoosto 2022. Chelsea oo guul dirqi ah ka heshay kooxda Everton kulankeeda ugu horreeyey Premier League xilli ciyaareedka cusub 2022-23, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Goodison Park.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Chelsea.

Daqiiqadii 45+9 kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda khadka dhexe ee Jorginho, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Blues.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close