Arteta oo xaqiijiyay in Arsenal ay rajaynayso saxiixyo badan… (Muxuuse ka yiri guushii ay ka gaareen Crystal Palace?)

(London) 06 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa guul kaga daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2022/23, kaddib markii ay 0-2 kaga soo adkaatay  Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.

Tababare Mikel Arteta ayaa sharaxay in Arsenal ay isku dayi doonto in ay wax badan ku soo kordhiso kooxda kahor inta uuna xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Xiddigihii ay Arsenal la soo saxiixatay suuqa xagaagan waxaan ka mid ahaa, Gabriel Jesus, Fábio Vieira, Marquinhos iyo Matt Turner, iyo sidoo kale Oleksandr Zinchenko.

Haddaba kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Crystal Palace, tababare Mikel Arteta ayaa u sheegay warbaahinta:

“Waqtigan xaadirka ah Arsenal waxaan la shaqeyn doonaa ciyaartoyda aan heysano.”

“Hadda waxaan si rasmi ah inoogu furmay xilli ciyaareedka, laakiin haddii ay jirto suurtagalnimada saxiixyo badan, taasi waa wax weyn.”

“Si aad Crystal Palace ugu garaacdo garoonkeeda waa inaad dhibtootaa, waana tan aanu samaynay, tanina waa qayb ka mid ah maskaxda aan doonayno inaan halkan ku abuurno, si aan ugu guulaysano garoomada sidan oo kale ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close