Arsenal oo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso xiddig ka ciyaara Premier League-ga

(London) 06 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Youri Tielemans. Gunners ayaa u muuqata mid doonaysa saxiixa xiddiga reer Belguim ka hor inta uuna xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga 1-da September.

Sida laga soo xigtay The Sun, Mikel Arteta kooxdiisa ayaa diyaarinaysa dalab furitaan ah oo ay ku doonayaan 25 jirkaan. Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa si aad ah loola xiriirinayay Tielemans, kaasoo la rumeysan yahay inuu aad u doonayo inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium.

Arsenal ayaa lasheegay in ay hakisay wadahadaladdii ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe laakiin haatan waxa ay qarka u saaran tahay in ay Leicester City u gudbiso dalab ay ku doonayso xiddigii hore ee AS Monaco.

Gunners ayaa ku riyaaqday xagaagan iyaga oo la soo saxiixday Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko, Fabio Vieira, Marquinhos, iyo Matt Turner. Waxa ay badiyeen dhammaan shantii kulan ee saaxiibtinimo ee ay ciyaareen xilli ciyaareedka cusub kahor, waxaana ay dhaliyeen 20 gool, oo ay ku jiraan afar ay ka dhaliyeen Chelsea iyo lix ay ka dhaliyeen Sevilla.

Kooxda Arteta ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2022-23 iyaga oo guul 2/0 ah kaga gaarray Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park Jimcihii (august5). Inkasta oo ay haatan si kumeel gaar hoggaanka kuheyso, kooxda ayaa doonaysa in ay sii waddo horumarkeeda.

Mikel Arteta ayaa qirtay in kooxdiisu ay wali suuqa ugu jirto saxiixyo badan. Kooxda Premier League ka dhisan ayaa si weyn looga filayaa inay la soo saxiixato ciyaaryahan kubbad sameeye ah kana ciyaara khadka dhexe si uu uga garab ciyaaro Thomas Partey.

Youri Tielemans waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Leicester City sanadihii la soo dhaafay. Waxa uu ka caawiyay kooxda ku guuleysiga FA Cup 2020-21.

25 jirkaan ayaa sidoo kale ahaa mid ka mid ah nalalka iftiimaya garroonka King Power stadium xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu dhaliyay lix gool 32 kulan oo Premier League ah.

Tielemans ayaa qandaraaskiisa Leicester waxaa uga harsan hal sanno oo kaliya. Kooxda Brendan Rodgers, sidaas darteed, waxay u badan tahay inay diyaar u yihiin inay lacag kaash ah ku helaan xagaagan halkii ay halis ugu noqon lahaayeen inay si xur ah ku lumiyaan sannadka soo socda,

Belgian-ka ayaana lagu soo warramayaa inuu doorbidayo u dhaqaaqista Arsenal.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa noqon karta mid ka mid ah kuwa ugu cadcad inay ku dhameystaan ​​afarta sare ee Premier League hadii ay la soo wareegaan ciyaaryahan khadka dhexe ah oo tayo sare leh.

Arsenal hadda waxa ay haysataa dhawr ciyaartoy oo khadka dhexe ah oo ay ku jiraan Granit Xhaka, Mohamed Elneny, Thomas Partey, Reiss Nelson, Ainsley Maitland-Niles, Lucas Torreira, iyo Sambi Lokonga. Naadiggu waa in, sidaas darteed, ay fasaxaan qaar ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe si ay boos ugu helaan Youri Tielemans.

Lucas Torreira ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda Fiorentina, halkaas oo uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiican ee kooxda reer Talyaani. Laacibka reer Uruguay ayaa hadda qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Turkiga ee Galatasaray sida ay qortay The Sun.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close