Tuchel oo sharxay fikirkiisa ku aadan tartanka Chelsea ee horyaalka Premier League

(London) 05 Agoosto 2022. Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sharaxay fikirkiisa ku aadan tartanka ay Blues ugu jirto hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa wajihi doonta kulankeeda ugu horeeya horeeya ee horyaalka Premier League kooxda Everton oo ay ku booqan doonto garoonka Goodison Park.

Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca kaqaaday wareysiga Thomas Tuchel, waxaana uu yiri:

“Ma doonayo in aan soo afjaro rajadayada, ama aan cadaadis badan saarno nafteena,”

“Uma maleynayo inay na caawin doonto, waxaan u maleynayaa inaan nahay koox ku jirta kala guur, isla markaana ma doonayo inaan sheego in Chelsea ay u tartamayso Premier League macquul maahan.”

“Waxaan si fiican uga warqabnaa tayada Liverpool, Manchester City, Tottenham, Arsenal iyo Manchester United. Caadiyan hal ama laba kooxood ayaa soo bandhiga qaab ciyaareed aan caadi ahayn, waana sababta uu Premier League u yahay mid aad u xiiso badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close