Ten Hag oo shuruud ku xiray heshiisyada cusub ee Manchester United

(London) 05 Agoosto 2022. Manchester United ayaa ku soo dhawaynaysa kooxda Brighton, Axada soo socota, garoonka Old Trafford, toddobaadka ugu horreeya ee horyaalka Premier League.

Shabakada Goal ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysiga tababare Erik ten Hag, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan haystaa koox, waana ku faraxsanahay kooxda hadda, waxaan sameyneynaa horumar wanaagsan, waan ku faraxsanahay qandaraasyada ilaa hadda.”

“Uma baahnin ciyaaryahan kasta, waxaan u baahanahay ciyaaryahan munaasab ah, waana waxa aan u shaqeyneyno, waxaan u baahanahay ciyaartoy munaasb ah.”

Mar uu ka hadlayay tababare Erik ten Hag mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Manchester United, wuxuu yiri:

“Waxaa jiray ciyaartoy badan oo garoonka ka baxay, kulankii saaxiibtinimo ee Rayo Vallecano, laakiin wuuxu tooshka saaran yahay Cristiano oo kaliya.”

“Runtii aad ayaan u faraxsanahay, horay ayaan kuugu sheegay, waxa aanu haysanaa weeraryahan weyn sida Cristiano waan ku faraxsanahay in Ronaldo uu halkan la joogo kooxda.”

“Waan ku qanacsanahay kooxda oo dhan, si fiican ayaan u shaqeyneynaa, Cristiano si adag ayuu u shaqeynayaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close