Horudhaca: Crystal Palace vs Arsenal – Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee lagu furayo Premier League

(London) 05 Agoosto 2022. Xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ayaa caawa la daah furi doonaa, waxaana ololaha 2022/23 uu ku furmi doonaa Derby London, kulan London Derby ah iyadoo Crystal Palace ay soo dhaweyn doonto Arsenal.

Patrick Vieira ayaa galay xilli ciyaareedkiisii labaad isagoo ah tababaraha Crystal Palace kaddib markii uu guulo la taaban karo ku qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee London. Intii uu macalinka u ahaa halyeeygan Faransiiska, Eagles ayaa ku dhameysatay kaalinta 12-aad ee Premier League iyagoo gaaray semi-finalka FA Cup, halkaasoo ay guuldarro kala kulmeen Chelsea.

Tababaraha Crystal Palace ayaa rajeynaya in kooxdiisu ay sii wado dardargelinta kooxda ka soo horjeeda, Arsenal oo ay ku dhisto natiijooyinkii ugu dambeeyay ee Gunners.

Mikel Arteta ayaa shaki la’aan rajaynaya in si ka duwan habeenkii furitaanka xilli ciyaareedkii hore uu si weyn u badalo markaas oo ay Arsenal ku furtay xilli ciyaareedka koox kale oo London ah, waxayna la kulantay guuldarro, Gunners ayaa guuldarro niyad jab ah kala kulantay Brentford oo ay marti u ahayd, in kasta oo kooxdu ay la daalaa dhacaysay COVID-19 iyo arrimo dhaawac oo isku biirsaday.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Kulanka: Crystal Palace vs Arsenal.

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Selhurst Park.

Garsooraha: Anthony Taylor.

Wararka kooxaha:-

Xiddigaha khadka dhexe ee Crystal Palace Michael Olise iyo James McArthur ayaa ku kala maqan dhawaacyo cagta iyo gumaarka ah.

Daafaca James Tomkins ayaa isna qaba dhibaato muruqa ah halka goolhayayaaasha Jack Butland iyo Sam Johnstone ay iyaguna dhaawacyo yihiin.

Arsenal waxaa ka maqnaan doona xiddiga khadka dhexe Emile Smith Rowe oo la dhibtoonaya dhaawac gumaarka ah.

Kieran Tierney, Takehiro Tomiyasu iyo Fabio Vieira ayaa dhamaantod ka soo kabsanaya dhaawacyo iyadoo tababare Mikel Arteta uu qirtay in intooda badan ay diyaar noqon doonaan.

Difaaca Faransiiska William Saliba ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay ee Arsenal halka xiddigihii hore ee Manchester City Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko ay iyaguna safan doonaan kulankoodii ugu horeeyay ee Gunners.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

Crystal Palace lagama badinin lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League gurigeeda, waxaana ay ilaashatay shabaqeeda shantii kulan ee ugu dambeysay.

Crystal Palace ayaa laga badiyay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay wajahday Arsenal.

Ka dib guushii 3-0 ee bishii April, Eagles ayaa raadineysa inay guulo xiriir ah ka gaarto Gunners markii ugu horeysay taariikhda.

Gabriel Jesus ayaa dhaliyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu booqday Selhurst Park.

Saddex ka mid ah afartii gool ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ka dhalisay Crystal Palace horyaalka Premier League ayaa la dhaliyay 90-kii daqiiqo ama kaddib.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Crystal Palace: Guaita; Clyne, Andersen, Guehi, Mitchell; Schlupp, Doucoure, Eze; Ayew, Edouard, Zaha

Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Xhaka, Partey; Saka, Odegaard, Martinelli; Jesus

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close