“Waxaan rajeynayaa in Messi uu ku laabto Barcelona” – Fàbregas

(Barcelona) 04 Agoosto 2022. Xiddigii hore Barcelona ee Cesc Fàbregas ayaa sheegay inuu rajaynayo saaxiibkiisa reer Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi, , inuu ku soo laabto Blaugrana xagaaga soo socda.

Wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Cesc Fàbregas, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa;

“Anigoo taageere Barcelona ah, waxaan rajeynayaa in Messi uu soo laabto.”

“Hal sano ayaa ka harsan qandaraaskiisa Paris, sidaas darteed waan jeclahay soo laabashadiisa, sababtoo ah waxay riyo u tahay kooxda iyo dhammaan taageerayaasha, waxaana idinkula hadlayaa taageere ahaan.”

Xiddigii hore Barcelona ee Cesc Fàbregas ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray:

“Kooxda waxa ay samaysay saxiixyo waa weyn, waana in ay wax walba u tartamaan.”

“In ay mar kale garaacaan Real Madrid waxa ay noqon doontaa mid aad u adag, sababtoo ah waxay safkooda u xoojiyeen si wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close