Matthijs de Ligt oo sharaxay sababta uu uga tagay Juventus

(Munich) 04 Agoosto 2022. Saxiixa cusub ee kooxda Bayern Munich Matthijs de Ligt ayaa shaaca ka qaaday sababihii uu uga tagay kooxda Juventus.

De Ligt waxa uu Juventus la soo ciyaaray saddex xilli ciyaareed, halka uu qandaraaskiisa uu soconayay laba sano kale, iyadoo ay taasi jirto, waa uu ka tagay si uu ugu biiro Bayern Munich heshiis ku kacay 77 million euros.

De Ligt ayaa wareysi uu siiyay majaladda Jarmalka ee “Kicker”, wuxuu ku sheegay:

“Labo sano oo kale ayaan qandaraaska kula jiray Juventus, waxaan halkaas ku noqday daafac isku dhafan, laakiin waxaan dareemay in la joogo waqtigii aan gali lahaa loolan iyo jawi cusub.”

“Bishii June ee la soo dhaafay, Bayern Munich way ila soo xiriirtay, isla markiiba waan xiisaynayay, marka aad u ciyaareyso kooxaha waa weyn sida Bayern Munich, mar walba waxaa jiraya cadaadis, qaabka ciyaarta halkaan ayaan ku haboonahay sababtoo ah kooxdu waa weerar.”

Waxaa xusid mudan in daafaca reer Holland 3-dii sano ee uu joogay Turin uu ciyaaray 117-kulan tartamada oo dhan, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Talyaaniga, Coppa Italia, Supercoppa Italiana, halka uu dhaliyay 8 gool, wuxuuna caawiyay 3 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close