Manchester United oo u dhaqaaqday saxiixa xiddig ka tirsan Barcelona

(Manchester) 04 Agoosto 2022. Manchester United ayaa bilawday inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca da’ada yar ee reer Mareekan iyo kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergiño Dest, ​​si ay ugu dhigtaan bedelka Alex Telles oo la filayo inuu baxo.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska, United ayaa la xiriirtay Barcelona si ay ugala hadasho suurtogalnimada saxiixa Dest, waxayna tani imaaneysaa kaddib markii ay soo dhaawaatay suurtogalnimada uu Alex Telles ugu biiri karo kooxda reer Spain ee Seville.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in keenista Dest ee garoonka Old Trafford ay kooxda ku kici karto ugu yaraan 17 million pounds, waxaana uu ka ciyaari karaa daafaca midig laakiin sidoo kale wuxuu ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca bidix.

Dest ayaa horay uga soo hoos shaqeeyay tababaraha haatan ee kooxda Manchester United Eric Ten Hag markii uu ahaa ciyaaryahan kooxda Ajax Amsterdam.

Dest waa 21 jir wuxuuna qandaraas kula jiraa Barcelona ilaa June 2025, xiddiga da’ada yar ayaa kaga soo biiray Barca sanadkii 2020 naadiga Ajax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close