Real Madrid iyo Carlo Ancelotti oo go’aan ka gaaray arrinta ku saabsan weerarka kooxda

(Madrid) 03 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagusoo warramaya inaysan samaydoonin saxiix weeraryahan ah, iyadoo Benzema uu yahay lambarka sagaalaad ee cad ee nidaamkooda, waxaa jiray go’aan laga gaarayo haddii ay tahay inay keenaan bedelkiisa xagaagan.

Borja Mayoral iyo Luka Jovic ayaa labadooduba kukala biiray Getafe iyo Fiorentina, taasoo ka dhigeysa kaliya Mariano Diaz inuu noqdo bedelka dabiiciga ah ee Benzema booska weerarka, Si kastaba ha ahaatee Carlo Ancelotti ayaa doonayay in uu isku dayo in uu Eden Hazard u isticmaalo halkaas intii lagu jiray pre-season,

Weeraryahanka Real Madrid Castilla Juanmi Latasa ayaa sidoo kale laga yaabaa in loogu yeerro kooxda kowaad wakhtiyada qaar.

Sida laga soo xigtay Diario AS, Ancelotti ayaa u sheegay kooxda inuu ku faraxsan yahay Ciyaartoydiisa, isla markaana aan loo baahnayn saxiix kale, tababaraha reer Italy ayaa aaminsan in inta u heysto Rodrygo Goes, Eden Hazard iyo Marco Asensio uu leeyahay awood ku filan oo weerarka ah.

Mariano ayaa weli loo ogolaan doonaa inuu baxo iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelan qorshahaas, kaliya ka bixitaanka Asensio ayaa weli ah suurtogalnimada uu kafikirayo macalinka reer talyaani, haddii 26-jirka uu baxo, markaas Ancelotti waxa uu raadsan doonaa saxiix kale.

Farqiga u dhexeeya xeeladda Ancelotti iyo tan maamulaha Barcelona Xavi Hernandez ayaa hubaal ka dhigaya qodob Lagu tartamo, Barcelona ayaa haysato laba weeraryahan oo awood qoto dheer oo dhanka weerarka leh, halka Ancelotti uu doortay inuu la socdo kooxdiisa oo uu ku kalsoonaado weeraryahanadiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close