Chelsea oo saxiixyada saddex xiddig muhiim ah ka dooneysa kooxda Inter Milan

(London) 02 Agoosto 2022. Macalinka kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu xoojiyo safkiisa si uu isugu diyaariyo caqabadaha xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Italia kooxda reer England ayaa doonaysa in ay ku xoojiso safkeeda iyada oo saddex heshiis cusub ka dooneysa kooxda reer Italy ee Inter Milan.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in kooxda Chelsea ay dooneysay inay hesho adeegyada Milan Škriniar, Denzel Dumfries iyo Cesare Casadei, waxaana heshiiska seddex geesoodka ah, hadii la dhameystiro uu ku kici doono 130 million euros.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay Chelsea raadinayso billow xooggan oo ay ku ku biloowato taliska Todd Boehly ee kooxda kaddib markii uu dhammaaday waayihii bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close