Ronaldo oo farriin gaaban u diray taageerayaasha Manchester United

(Manchester) 01 Agoosto 2022. Xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa farriin u diray jamaahiirta kooxda kaddib markii ugu horreysay uu ka qeyb galay kulammada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Ronaldo ayaa ka qeyb galay kulankii ay kooxdiisa la ciyaartay kooxda Rayo Vallecano ee dalka Spain, taasoo ahay ciyaartii ugu horeysay ee diyaarinta ah ee uu ka qeyb galo, kaddib markii uu ka maqnaa safarkii ay kooxda ku tagtay Thailand iyo Australia.

Ronaldo ayaa ciyaarta kaddib boggiisa Instagram-ka soo dhigay sawirkiisa wuxuuna soo raaciyay qoraal gaaban oo ahaa: “Waan ku faraxsanahay soo laabashada.”

Fariintani waxay u taagan tahay jawaab celinta warbixinada tilmaamayay in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsaneyn garoonka Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close