Real Madrid oo dejisay qiimaha ay ku iibsaneyso xiddig ka tirsan Chelsea

(London) 01 Agoosto 2022. Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa dejisay qiimaha heshiiska xiddiga Chelsea ee reer Jarmal Timo Werner, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Toddobaadyo kahor, warbixinnada saxafada ayaa beeniyay fikradda ah in Real Madrid ay heshiis la gasho Timo Werner, laakiin barnaamijka raadiyaha Isbaanishka ee Larghero ayaa muujiyay inuu jiro rabitaan dhab ah oo ka dhex jira Real Madrid si ay u hesho saxiixa ciyaaryahanka.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan inay jiraan laba doorasho oo ay Real Madrid ku heli karto adeega xiddiga Chelsea ee reer Jarmal Timo Werner, doorashada koowaad oo ah inay bixiso qiimo dhan 35 million euros.

Doorashada labaad ayaa ah in Real Madrid ay ku hesho adeega ciyaaryahanka qaab amaah ah ay kaga soo qaadaneyso Chelsea, iyadoo qodob ka mid ah qandaraaska Werner uu u ogolaanayo Los Blancos inau la saxiixato xagaaga 2023, waa haddii maamulka Los Blancos uu doonayo inuu sameeyo.

Werner ayaa ka baxay qorshaha tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel, xilli ciyaareedka cusub, sidaas darteed ciyaaryahanku waxa uu doonayaa inuu ka tago garoonka Stamford Bridge, si uu u helo koox uu u ciyaarayo daqiiqado badan xilli ciyaareedka soo socda.

Timo Werner ayaa heshiiska uu ku joogo garoonka Stamford Bridge, wuxuu gaarayaa dhammaadka bisha June 2025, wuxuuna kooxda reer London ku sugan yahay ku dhawaad ​​labo sano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close