WARBIXIN: Waa kuwee SHANTA Ciyaaryahan ee heer caalami ah kuwaas oo qaata mushaaraad kayar midka Jesse Lingard?

(England) 31 luulyo 2022. Jesse Lingard waxa uu ka tagay Manchester United si xor ah horaantii xagaagan ka dib markii uu dhacay Qandaraaskiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska ayaa diiday dalab cusbooneysiin ah oo uga yimid Manchester United bishii November ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay The Times, waxaana uu go’aansaday inuu ka tago kooxda isagoo raadinaya koox uu kaheli karro boos joogto ah.

Lingard hadda waxa uu ku biiray Nottingham Forest oo dhawaan usoo dalacday Premier League-ga Waxa uu u saxiixay heshiis qaali ah oo hal sanno ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu toddobaadkii qaadan doono 180,000 oo gini iyo gunooyin taas oo ka dhigi karta in tiradaasi kor u kacdo ilaa £200,000.

Qarashaadkaan waalida ah waxay ku dhowyahiin inta ay mushaar ahaan u helaan qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League-ga Taasi waa lacag waali ah oo loogu talagalay ciyaaryahan ku soo bilowday kaliya labo kulan horyaalka England xilli ciyaareedkii hore.

Anagoon hadal dheer gelin , bal aynu eegno shan ciyaartoy oo kubbadda cagta ah oo qaata wax ka yar mushaaarka Lingard.

  1. Kai Havertz (Chelsea)

Weeraryahanka Chelsea Kai Havertz ayaa rajeynaya inuu horumariyo qaab ciyaareedkiisa . Waxa uu markii hore ku dhibtooday inuu la qabsado Chelsea ka dib markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen xagaagii 2020. Laakiin Havertz waxa uu soo bandhigay ciyaar maskaxayd xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu dhaliyay 14 gool waxaana uu caawiye ka noqday lix gool 47 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan waana mid ka mid ah hubka ugu sareeya ee Thomas Tuchel ee weerarka haatan. Inkasta uu Havertz yahay saxiixa labaad ee ugu qaalisan chelsea kuna soo qaadatay £72 milyan 2020, haddana kama mid aha kuwa ugu dakhliga badan.

Havertz waxa uu jeebka ku shubtaa £150,000-toddobaadkii, waana lacag aad uga yar midda Lingard u qaato toddobaad kasta.

  1. Son Heung-Min (Tottenham Hotspur)

Son Heung-Min waa mid ka mid ah kuwa aadka loo qiimeeyo ee ka horreeya Faciisa. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka South Korea ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 23 gool horyaalka Premier League, waxaana uu abaalmarinta kabaha dahabka ah la qaadyay Mohamed Salah. Dhammaan 23ka gool-na waxay ahaayeen goolal aan rigoore kujirin.

Waa mid ka mid ah weeraryahannada ugu farsamada badan uguna wax qabadka badan Yurub. 30-sano jirkaan ayaa qandaraas cusub u saxiixay Spurs sanadkii 2021-ka, waxuuna hadda qaataa £140,000 todobaadkii, sida ay sheegeyso warnaahinta ingiriiska.

Tottenham Hotspur ayaa caan ku ah bakhaylnimo iyadoo ciyaaryahan tayadda badan ee Son uu qaata £60,000 oo ah mushaar ka yar midka uu qaato Lingard waana nasiib darro wayn.

  1. Ruben Dias (Manchester City)

Ruben Dias wuxuu ahaa saxiixii ugu weynaa ee Manchester City. Waxa uu kooxda Pep Guardiola kaga soo biiray Benfica xagaagii 2020 waxana uu ka caawiyay in ay xoojiyaan daafacooda. Daafaca dhexe ee reer Portugal aad ayuu ugu soo baxay olalahiisii ugu horeeyay taaso keentay in loo magacaabo ‘Premier League Player of the Season’.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta ‘UEFA Champions League Defender of the Season. Dias ayaa horay u qaaday laba jeer horyaalka Premier League. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu dakhligiisu aad uga yar yahay midka Lingard. Dhab ahaantii, waxa uu qaataa in ka yar kala bar mushaharka Lingard todobaadkii.

Sida laga soo xigtay shabakadda Sportrac, 25 jirka waxa uu Manchester City ka qaataa £115,000-isbuucii.

  1. Alisson Becker (Liverpool)

Waxqabadkii Alisson Becker ayaa wax badan ka taray sidii uu Liverpool uga dhigi lahaa mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee Yurub. Goolhayaha reer Brazil waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka. Ciyaartiisu waa mid si fiican u dhisan,

Alisson ayaa soo qaatay Glove-kii labaad ee Premier League Golden Glove xilli ciyaareedkii hore, isagoo la wadaagay Ederson Moraes oo ay isku dalka yihiin oo Manchester City ah. 29-sano jirkaan ayaa ah goolhayaha seddexaad ee ugu mushaarka badan Premier League, waxaana uu weli qaataa mushaar ka yar midka Lingard.

Alisson waxa uu qaataa £150,000-isbuucii, sida ay sheegtay shabakadda Sportrac. Keliya David de Gea iyo Kepa Arrizabalaga ayaa ka mushahar badan isaga oo ka mid ah goolhayayaasha Premier League.

  1. Paul Pogba (Juventus)

Jesse Lingard iyo Paul Pogba waa saaxiibo isku dhow, waxayna labaduba kasoo baxayn akadeemiyadda da’yarta Manchester United. Aan eegno tiradooda xilli ciyaareedkii hore. 20 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, xiddiga reer France ayaa dhaliyay hal gool, waxaana uu caawiyay sagaal gool.

Lingard ayaa dhaliyay labo gool 16 kulan oo uu saftay Premier League. Pogba waxa uu Juventus ugu biiray beeca xurta ah laakiin mushaharkiisa ayaan ahayn sidii uu doonayay. Sida ay sheegeyso Calcio-mercato Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu Turin ka helo kaliya £165,000-isbuucii, taasoo ah ku dhawaad ​​kala bar ka yar mushaaraadkii uu jeebka ku ridan-jiray markii uu joogay Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close