Ten Hag oo u sheegay taageerayaasha Man United war wanaagsan oo ku saabsan Ronaldo

(Manchester) 31 luulyo 2022. Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa jamaahiirta kooxdiisa u sheegay war farxad leh oo ku saabsan xiddiga kooxda ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Red Devils si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub, kaddib markii ay soo baxeen warar xaqiijinaya inuu doonayo inuu kooxda ka tago si uu raadiyo khibrad cusub.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun Tababaraha           Manchester United Erik ten Hag, ayaa u sheegay warbaahinta:

“Cristiano Ronaldo waxa uu la ciyaari doonaa Rayo Vallecano, haa, waxa uu ku jiri doonaa safka kooxda kulankan.”

Erik ten Hag oo sii watay ka hadlida Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay:

“Waan arki doonnaa inta uu Ronaldo awoodi doono inuu ciyaaro.”

Si kasta ha noqotee, Cristiano Ronaldo qudhiisa ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ciyaaro kulanka Axadda.

Ronaldo ayaa seegay safarkii ay kooxdu ku tagi jirtay Thailand iyo Australia, waxaana la sheegay inuu qorsheynayo inuu u dhaqaaqo koox ka ciyaareysa Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close