Sidee ayuu Klopp uga hadlay guushii Liverpool ay ka gaartay Man City?

(Leicester) 31 luulyo 2022. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii kooxdiisa loo caleemo saaray koobka FA Community Shield.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleystay koobka FA Community Shield, kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester City.

Kaddib ciyaarta tababaraha reer Germany ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri;

“Darwin Núñez aad ayuu u fiican yahay, aad ayaan uga helay ciyaarta, inta ugu badan kulamada aan la ciyaarnay Man City waa kuwo ku fiican in la daawado, sida caadiga ah kama gaarin guul saan u weyn, laakiin waxay ahaayeen kuwo lagu raaxeysto.”

“Waan ku faraxsanahay bilowgeena ciyaarta, laakiin isbedel kasta oo ciyaartoyda ku yimaada ayaa sameeyay farqiga, ciyaartoyduna si buuxda ayay u diyaar garoobeen, tani waa wax wanaagsan.”

Macalinka reer Germany oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay weeraryahankiisa cusub ee Darwin Núñez, wuxuuna yiri:

“Waxa uu ka faa’ideystay meelaha bannaan, si fiican ayuuna kubbadda u dhammeeyay, waxaa jiri doono imtixaano adag oo horyaala, xitaa haddii ay ahaan laheyd guushii maanta aan ka gaarnay kooxda difaacaneysa Premier League, laakiin xaqiiqdii bilaabashadiisu waa mid lagu dhiiran karo.”

Si kstaba ha noqotee, Jurgen Klopp ayaa awooday in kooxdiisa Liverpool uu kula guulaysto dhammaan koobabkii suurtogalka ahaa ee England, kaddib markii ay u suurtogashay inuu ku darro FA Community Shield xirfadiisa tababarka ee Reds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close