Guardiola oo hambalyo u diray Liverpool kaddib markii ay ku guuleysteen Koobka FA Community Shield

(Leicester) 31 luulyo 2022. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u hambalyeeyay kooxda Liverpool oo xalay kaga guuleysatay koobka FA Community Shield.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleystay koobka FA Community Shield, kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester City.

Pep Guardiola ayaa kaddib ciyaarta shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu hambalyo u diray kooxda Liverpool, wuxuuna yiri:

“Ugu horayn waa inaan ugu hambalyayna Liverpool guusha ay gaadhay, waxay ciyaarta ku bilaabeen si ka wanaagsan sida aan ku bilaabanay,”

“Qeybtii labaad ee ciyaarta waan soo fiicnaanay, waxaana     fiicneyn bilowgii qeybta labaad, aad ayaan u wannagsaneyn, waxaana abuurnay fursado badan oo dhanka goolka ah, laakiin taasi kuma filneyn.”

“Haaland way fiican tahay inuu arko xaqiiqada cusub ee horyaalka cusub iyo dalka cusub ee uu ku noolaan doono oo uu ku tartami doono. Waa yaab, waa run inuusan dhalinin wax gool ah maanta, laakiin wuu fiicnaa.”

“Qof walba waxa uu ka hadlay Haaland kadib goolkii uu ka dhaliyay Bayern ee safarkii Maraykanka, waxaana filayaa in arrimuhu isaga la mid yihiin, weli awood la mid ah ayuu leeyahay, laakiin tani waa kubbadda cagta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close