Phil Foden oo uga digay kooxaha ay ku dagaalamaan Premier League awooda Haaland

(Manchester) 29 luulyo 2022. Xiddiga Manchester City ee Phil Foden ayaa farriin digniin ah ee ku aadan saaxiibkiis Erling Haaland u diray kooxaha ay ku daggaalammaan horyaalka Premier League.

Erling Haaland ayaa kaga soo biiray Manchester City kooxda Borussia Dortmund suuqa xagaagan, wuxuuna saxiixay heshiis soconaya June 2027, taageerayaasha City ayaana rajeynaya in xiddiga reer Norway uu si dhaqso ah ula qabsado horyaalka Ingiriiska.

Wargeyska The Sun ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysiga Phil Foden, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Haaland wuxuu yimi horyaal kale, kaasoo ah mid dhaqsi badan, kaasoo ay ku qaadan karto waqti si uu ula qabsado.”

“Waan ku kalsoonahay awoodiisa iyo in uu noqon doono mid aan la joojin Karin.”

“Haddii aan kubadda ugu gudbin karno meesha saxda ah, runtii muhiim ayuu noo noqon doonaa sanadkan.”

“Haaland wuxuu u oomman yahay inuu guul nala gaaro.” ayuu yiri Phil Foden

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close