Pogba oo qarka u saran inuu ka maqnaado Koobka Adduunka 2022 ee Qatar

(Turin) 28 luulyo 2022. Xiddiga reer France iyo kooxda Juventus ee Paul Pogba ayaa qarka u saran inuu ka maqnaan doono Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, sababa la xiriira qaliinka uu mari doono.

Pogba ayaa go’aan ka gaaraya in qaliin lagu sameeyo iyo in kale, kadib markii uu saacado gudahood ku helay talo caafimaad oo gaar ah, laacibka ayaana ka cabsi qaba in go’aankaasi uu ku qasbo inuusan ka qeyb galin koobka adduunka.

Wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee La Gazzetta dello Sport, ayaa soo wariyay in qaliinka uu Pogba mari doono ay ka dhigi karo inuu garoomada ka maqnaado 4 ilaa 5 bilood, waxaana laga yaabaa inuu ugu badnaan laba bilood ka maqnaado, waxaana laga yaabaa in laga dhigo 40 maalmood oo keliya, tanina waxay ku xidhan tahay, waxa lagu samayn doono gudaha qolka qalliinka.

Si kasta ha noqotee, xiddiga reer France ee Pogba ayaa dhaawac ka soo gaaray Meniscus lateral ee jilibka midig, inta lagu guda jiray isku diyaarinra xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close