Klopp oo ka jawaabay wararka xanta ah ee sheegaya in Firmino uu ka tagayo Liverpool

(Liverpool) 28 luulyo 2022. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee sheegaya in uu baxayo xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino.

30-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Reds xagaagan, si uu ugu biiro Juventus, adduun dhan £19m.

Liverpool ayaa kula balansan Manchester City fiidnimada sabtida ee soo socota, garoonka King Power Stadium, si ay u wada ciyaaraan koobka FA Community Shield.

Jürgen Klopp ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

“Roberto Firmino waa noo muhiim, waa qalbiga iyo nafta kooxdan.”

“Wax walba waxay u muuqdaan kuwo aad u wanaagsan, waxay noo yihiin lama huraan.”

Yeelkeeda, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u dhaqaaqay Liverpool xagaagii 2015, aduun dhan 41 million euros, isagoo kaga yimid kooxda Jarmalka ee Hoffenheim.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close