Juventus oo si dhab ah ugu dhaqaaqeysa saxiixa xiddiga Liverpool ee Firmino

(Turin) 28 luulyo 2022. Juventus ayaa bilowday dhaq dhaqaaqeeda halista ah si ay ula saxiixato weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Lierpool ee Roberto Firmino.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska, Juventus ayaa hore u soo bandhigtay dalab ay ku dooneyso saxiixa Firmino.

Wargeyska Ingiriiska oo soo xiganaya wargeyska Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa xaqiijiyay in Firmino uu soo dhaweeyay xiisaha Bianconeri ee adeegiisa.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Firmino uu noqday dookh labaad ee qorshaha tababare Jurgen Klopp, taasoo ka dhigeysa ka tagistiisa Liverpool xagaagan mid lama huraan ah haddii uu doonayo inuu Brazil kala qeyb galo Koobka Adduunka ee Qatar.

Firmino waa 30 jir, wuxuuna ku fiican yahay u ciyaarista weeraryahan toos ah, waxaana uu qandaraas kula jiraa Liverpool ilaa June 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close