Muxuu ka yiri Madaxweynaha Atletico Madrid wararka kooxdiisa la xiriirinaya saxiixa Ronaldo?

(Madrid) 27 luulyo 2022. Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa maanta sheegay in arinta ku saabsan heshiiska kooxdiisa ay kaga dooneyso Manchester United saxiixa Cristiano Ronaldo ay tahay wax aan macquul aheyn.

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa baahiyay wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ma garanayo cidda sheekadan aliftay, laakiin suurtagal maaha inuu yimaado.”

Weeraryahanka reer Portugal ayaa shalay markii ugu horeysay xaadirray garoonka tababarka ee kooxdiisa Manchester United.

Wararka ayaa waxay xaqiijiyeen in Cristiano Ronaldo uu ku laaban doono Manchester, waxaana uu markii ugu horeysay tababar isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub la qaadan doonaa saaxiibadiisa kale, kaddib markii uu ka maqnaa safarkii kooxda ee Australia iyo Indonesia.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Cristiano uu kulan la qaadan doono golaha maamulka United, si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa, gaar ahaan sida uu doonayo inuu jawiga wax uga bedelo.

Wakiilka Cristiano ee Jorge Mendes, ayaa raadinaya koox kale oo uu ciyaaryahanku ku dhameysan doono xirfadiisa ciyaareed, waase haddii uu doonayo inuu ka qeyb galo xilli ciyaareedka soo socda tartanka Champions League, waxaana la muujiyay magaca Atlético Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close