Kooxaha Barcelona iyo Seville oo ka heshiiyay saxiixa Jules Koundé

(Barcelona) 27 luulyo 2022. Barcelona ayaa ku dhow inay hesho adeega daafaca reer France iyo Seville ee Jules Koundé, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Barcelona ayaa wadahadalo la gashay Seville dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, si ay uga hesho saxiixa Koundé, maadaama uu aad u doonayo adeegiisa tababare Xavi Hernandez.

Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga aadka wax uga qora laguna qadariyo ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay heshiis la gaartay Seville, si ay uga hesho saxiixa Jules Koundé.

Fabrizio Romano ayaa intaa ku daray, in uu jiro heshiis buuxa oo dhanka afka ah oo u dhaxeeya labada kooxood, ayna sugayaan kaliya saxiixyada qandaraasyada.

Warbixino dhowr ah ayaa tilmaamay saacadihii la soo dhaafay, in Barcelona ay soo afjartay heshiiska uu Koundé ugu wareegayo Barca.

Waxaa xusid mudan in Koundé uu ku dhawaaday inuu u dhaqaaqayo Chelsea, kahor inta aysan Barcelona soo faragelin heshiiska, oo aysan helin ogolaanshaha ciyaaryahanka.

Yeelkeeda, Barcelona ayaa la soo saxiixatay afar ciyaaryahan oo kala ah Franck Kessié, Andreas Christensen, Raphinha iyo Robert Lewandowski.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close