Juventus oo si rasmi ah u shaacisay dhaawaca Pogba

(Los Angeles) 26 luulyo 2022. Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaawaca xiddiga reer France ee dhawaan dib u soo laabtay ee Paul Pogba, kaasoo ay dhawaan kala soo wareegtay Manchester United, beeca xorta ah.

Ciyaaryahanka kooxda Juventus ee Paul Pogba ayaa dhibaato weyn kala kulmay xerada isku diyaarinta Juve ee xilli ciyaareedka cusub 2022/23.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka England, Pogba ayaa dhaawac ka soo gaaray Meniscus lateral ee jilibka midig, inta lagu guda jiray isku diyaarinra xilli ciyaareedka cusub.

Juventus ayaa bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah ku sheegtay:

“Kaddib markii uu ka cawday xanuunka jilibka midig, Paul Pogba waxa uu maray baaritaan shucaac ah oo muujinaya dhaawac Meniscus lateral ah.”

“Saacadaha soo socda, wuxuu mari doonaa la-talin takhasus ah oo ku saabsan qalliinnada lafaha, si loo ogaado inuu u baahan yahay qalliin.”

“Si loo sii wado daawaynta, kama qayb qaadan doono safarka kooxda ee Dallas.”

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Pogba uu ku dhaawacmay tababarkii kooxda ee Los Angeles, taasna ay keentay inuu ka haro safarka kooxda inteeda kale ee magaalada Dallas, si ay u sii wataan safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Mareykanka.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ayaa tilmaamay in Pogba uu mari doono baaritaan caafimaad oo uu ku sameyn doono khabiir ku takhasusay dhaawacyada noocaan oo kale ah, si loo ogaado inuu u baahan yahay qaliin iyo in kale.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Pogba uusan u muuqan mid si aad ah u xanuun sanaya kaddib markii uu ka cawday xanuun dhanka jilibka ah, laakiin baaritaanno la sameeyay ayaa muujiyay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close