Xiddig ka tirsan Man United oo diiday inuu ku biiro Barcelona

(Barcelona) 25 Luulyo 2022. Inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee xagaagan, Barcelona ayaa isku dayday inay la soo wareegto xiddig Manchester United ah, balse isku daygeedii wey ku guuldarreysatay.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday SportKeeda, Harry Maguire ayaa diiday fursad uu uga ciyaaro Barcelona inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee xagaagan, wuxuuna ku adkeystay inuu sii joogo Manchester United.

Warbixintu waxa ay tilmaantay in Maguire uu doonayo inuu si fiican uga hoos shaqeeyo macalinkiisa cusub ee Erik ten Hag oo kalsooni weyn ka muujiyay wax qabadkiisa, wuxuuna ku wargaliyay wakiilladiisa in ay diidaan dalab kasta oo uu ugu dhaqaaqi karo Barcelona.

Wararka ayaa waxay tilmaameen inuu jiray heshiis isdhaafsi ah oo ay labada kooxood Man United iyo Barcelona, ay isku dhaafsan lahaayeen xiddigaha Harry Maguire iyo Frenkie de Jong.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close