Victor Osimhen oo hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ka tagayo Napoli xilli ay xiiseynayaan kooxaha Arsenal iyo Man United

(Naples) 25 luulyo 2022. Xiddiga kooxda Napoli ee Victor Osimhen ayaa diiday hadalka sheegaya in uu xagaagan isaga tagi doono kooxda Napoli.

23-sano jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inay Napoli ku qiimeysay 85 milyan ginni, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo mid kamid ah kooxaga Arsenal, Manchester United, Newcastle iyo Bayern Munich kaddib markii uu dhaliyay 18 gool 32 kulan oo uu saftay Napoli tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin waxa uu sheegay in wararka isaga la xirriirinaya xagaagan in ay yihiin kaliya xan suuqeed waxaana uu ku adkaystay in uu aad udoonayo la shaqaynta madaxweynaha kooxda Aurelio De Laurentiis.

Asigoo hadlayay ayaa waxuu carabka ku dhuftay “Waxaan joogaa Napoli. Waxaana ixtiraam wayn u haayaa kooxdayda,” ayuu u sheegay Corriere dello Sport.

“Waarka aad maqlaysaan kaliya waa xanta suuqa. Waan ku fiicannahay halkan waligeyna xiriir dhow lama yeelan qof walba sida xilligaan oo kale.

“Waan la hadlay madaxwaynaha, isaga ayaana go’aaminaya mustaqbalkayga , wuxuuna ii sharaxay qorshaha kooxda.

“Waan ku faraxsanahay waxa uu ii sheegay inuu dhagaysan doono dalabyadda macquulka ah :Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la ciyaaro Napoli, waana arki doonaa mustaqbalka waxa dhaco.”

Osimhen ayaa sidoo kale aad u amaanay tababarihii hore ee Inter Milan Luciano Spalletti, isagoo ku adkeystay in tababaraha Napoli haatan uu yahay mid ku haboon isaga marxaladan xirfadiisa ciyaareed.

Inkasta oo muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada uu muujinayo Spalletti oo Osimhen u sheegaya in uu garoonka uga baxo mucaaradnimo inta lagu guda jiro kulan tababar koox-kooxeed oo ciyaartoyda uga furmay Axaddii xerada tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee magaalada Castel di Sangro.

“Waa tababare sare: maalin walba waxa uu isku dayaa inuu i dhiiri galiyo oo uu iga dhigo mid ka faa’ideysto awooda aan haysto,” Osimhen ayaa hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay tababaraha igu habboon marxaladan: waa mid ka mid ah sababaha aan mar walba u bixiyo wax walba. Waan ku faraxaa marka uu ku qanco wax qabadkeyga.’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close