Riyad Mahrez oo farriin digniin ah u diray kooxaha waaweyn ee Premier League

(Manchester) 25 Luulyo 2022. Xiddiga reer Algeria iyo kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa farriin digniin ah u diray kooxaha waaweyn ee Premier League, taasoo ku saabsan tartanka loogu jiro hanashada horyaalka xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester City ayaa ah kooxda heysata horyaalka Premier League, halka Liverpool ay soo gashay kaalinta labaad, Chelsea ayaa ku dhammeysatay kaalinta seddexaad.

Haddaba Riyad Mahrez ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail ee dalka England:

“Xaqiiqdii waxaan dooneynaa inaan mar kale guuleysano marka uu xilli ciyaareedka bilowdo.”

“Waxay noqon kartaa mid sahlan sanadkan, ama waxaan u halgami karnaa wax yar.”

“Waxaan ku bilaaban doonaa xilli ciyaareedka 100% awoodeena, waxaana dooneynaa inaan ku dhameystirno maskaxdaas.” Ayuu yiri Riyad Mahrez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close