Gavi oo ku farxay hamigga ay Barcelona muujisay suuqa xagaaga

(Barcelona) 25 Luulyo 2022. Barcelona welin kama bixin suuqa waxayna haatan wadahadalo kula jirtaa Sevilla si ay ula soo saxiixato daafaca dhexe ee reer France Jules Kounde, si kastaba ha ahaatee, waxay xoojin doonaan difaacooda ka hor inta uusan xirmin xilli ciyaareedka cusub.

“Waan ku faraxsanahay inaan kooxda la joogo,” Gavi ayaa ku yiri waraysi lagaga qaaday Marca. “Waan sugayay kaddib fasaxa caalamiga ah. Waxaan ku jirnaa qaab sare. Waxaan ahay qofka ugu horreeya ee ku faraxsan kooxdan taageerayaashuna waa inay sidoo kale garab is istaag noo muujiyaan

“Waxaan sameynay saxiixyo wanaagsan. Kuwaas oo isla marka ay ciyaareen bandhig la jeceleysto soo bandhigay . Aad ayaan ugu faraxsanahay inay kooxda nagula soo biiraan Waxaan rajeynayaa inay xilli ciyaareed fiican oo xiiso leh u noqon doonto kooxdeena oo dhan.”

Gavi oo tayaddiisa Lagu arkay Barcelona bilowgii xilli ciyaareedkii hore ayaa waxa uu ku riyaaqay sannad cajiib ah. 17-sano jirkaan – oo horey toban kulan u saftay xulka qaranka Spain, una dhaliyay gool – ayaa u ciyaaray kooxda koowaad ee Barcelona 46 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay labo gool iyo lix caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close