Kahn oo ka dhawaajiyay suurtagalnimada ay Bayern kula soo saxiixan karto Ronaldo

(Munich) 21 Luulyo 2022. Maamulaha kooxda Bayern Munich ee Oliver Kahn ayaa si lama filaan ah u sheegay suurtogalnimada ay kula saxiixan karaan Cristiano Ronaldo, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Magaca Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Manchester United xagaagan, hal sano kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa garoonka Old Trafford.

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United sabab la xidhiidha kooxda oo ku fashilantay in ay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka cusub.

Magaca Cristiano Ronaldo waxaa loo soo bandhigay kooxo badan oo hore iyo Bayern Munich oo horay u beenisay warkaas.

Laakiin waxa ay u muuqataa in Bayern Munich ay si dhab ah uga fikirayso in ay heshiis la gasho Cristiano Ronaldo, iyada oo laga duulayo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Oliver Kahn, sida uu boggisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku shaaciyay Fabrizio Romano oo lagu qadariyo arrimaha dhanka suuqa kala iibsiga

Oliver Kahn ayaa su’aal la weydiiyay wuxuu ku jawaabay: “Wararka ku saabsan heshiisyada soo socda ee Bayern Munich? kumaad ula jeedaan Cristiano Ronaldo.”

“Waxaan yeelan doonaa wadahadalo badan, waan arki doonaa, suuqa kala iibsiga ayaa weli furan in muddo ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close