Muxuu ka yiri Lewandowski kaddib markii uu si rasmi ah u noqday ciyaaryahan kooxda Barcelona ah??

(Barcelona) 20 Luulyo 2022. Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u dhameeystirtay saxiixa laacibka reer Poland ee Robert Lewandowski, kaddib markii uu kaga soo biiray Bayern Munich.

Robert Lewandowski ayaa u saxiixay Barcelona heshiis 4 xilli ciyaareed ku heyn doono garoonka Camp Nou, kaasoo lagu burburin karo 500 million euros.

Ciyaaryahanka cusub kooxda Barcelona ee reer Poland Robert Lewandowski, ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa inuu doorto inuu ka ciyaaro safka Barca laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub, kaddib markii uu si rasmi ah u saxiixay qandaraaska naadiga Blaugrana.

Lewandowski ayaa soo afjaray waayihiisa Bayern Munich, waxa uuna boorsooyinkiisa u soo qaatay bilowga waa cusub ee xirfadiisa ciyaareed ee kooxda Barcelona, kaddib markii uu ugu soo dhaqaaqay adduun lacageed dhan 50 million euros.

Haddaba Robert Lewandowski ayaa kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray Barcelona wuxuu ka soo mooqday shir jaraa’id isaga oo la hadlay warbaahinta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dabcan, ma aanan dooneyn inaan isku fiiriyo muraayadda kaddib marka aan ka fariisto kubadda cagta, isla markaana aan xilligaas u sheego inaanan ku guuleysan wax walba oo ku saabsan xirfadeyda kubadda cagta, waxaan doonayaa inaan ku guuleysto riyadeyda ciyaarta anigoo khibrad u leh ka ciyaarista La Liga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close