Guardiola oo ka hadlay wararka sheegaya in Man City lala xiriirinayo Neymar Jr

(Manchester) 20 Luulyo 2022. Pep Guardiola ayaa hoos u dhigay wararka xanta ah ee sheegaya in Manchester City ay u dhaqaaqi karto weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Neymar Junior suuqaan xagaaga.

Brazilian-ka waxa uu u muuqdaa mid aan ku qanacsanayn inuu sii joogo garoonka Parc des Princes iyada oo ay jiraan warar kala duwan oo kasoo baxayo mustaqbalkiisa.

Laakiin Man City ma doonayo isaga. Guardiola ayaa sheegay in wararka xanta aysan run ahayn, isla markaana xogtaasi ay tahay mid qaldan.

Tababare Pep ayaa qirtay in Neymar uu yahay ciyaaryahan cajiib ah, wuxuuna ammaanay dabeecadiisa laakiin wuxuu si cad u sheegay inaysan xilligaan wax xiiso ah u heynin adeegga xiddigaan.

Man City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore markii afaraad shan xilli ciyaareed guddahood, waloow ay kudhibantahay inay kor uqaaddo Tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close