Joan Laporta oo sharaxay qorshaha Barca ee inta ka harsan suuqa kala iibsiga xagaagan

(Barcelona) 19 Luulyo 2022. Madaxwaynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa sharaxay qorshaha Barca ee inta ka harsan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Barcelona ayaa ilaa haatan mashquul ku ah suuqa kala iibsiga xagaagan.  Waxay horey u qaateen heshiisyadda Franck Kessie, Andreas Christensen, Raphinha,  iyo Robert Lewandowski.

Sidoo kale kooxda reer Catalonia laacibkooda Dembele ayay heshiis ka saxiixdeen, sida laga soo xigtay Joan Laporta, ma aysan dhammaanin dukaamaysigooda suuqa.

Laporta ayaa sheegay in kaddib saxiixii Lewandowski ay kooxda u jeesan doonto  inay xoojiso daafaca.  Waxa uu sheegay in Barcelona ay si gaar ah uga jirto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Bartilmaameedyadda kooxda reeer Catalonia ay doonayso ayaa kala ah  Cesar Azpilicueta, Jules Kounde iyo Marcos Alonso.

Haddii ay Barca helaan  taasi waxay dabooli doontaa baahidooda daafaca taasoo siinaysa Xavi Hernandez koox awood u leh inay Real Madrid kula tartanto horyaalka La Liga, sidoo kale kamid noqoto kooxaha loo saadaalinayo Champions League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close