Tottenham oo wadahadallo la bilaawday Barcelona si ay uga hesho saxiixa Memphis Depay

(Manchester) 17 Luulyo 2022.  Barcelona ayaa u muuqata mid horumar ka samaynaysa kooxdeeda xagaagan iyada oo lagu soo daray Franck Kessie, Andreas Christensen, Raphinha iyo Robert Lewandowski. iyadoo xiddigo badan booskooda jogtadda shaki soo gali karro.

Mid ka mid ah xiddigaha uu booskoodda shakigga wayn soo gali karro  waxaa lambar koow ka ah Memphis Depay. Xiddiga reer Holland ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Barcelona xilli ciyaareedkii hore, waxaana jirtay fursad uu ku sii wadan karay xilli ciyaareedka soo socda. Hadana ku biirista Raphinha iyo qandaraas kordhinta uu sameeyay  Ousmane Dembele ayaa ka dhigtay Memphis mid boos la’aan.

Shaki kuma jirro inuu  xanaaqsan yahay laacibkaan reer holland, laakiin si uu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda, waa inuu baxo. wargayska (Sport) ayaa daaha ka qaaday in Tottenham ay la xaajoonayso Memphis, iyadoo Barcelona ay ku dalbaneyso 20 milyan oo euro. Si kastaba ha ahaatee qandaraaska xiddigga ayaa waxaa  kaliya uga harsan  hal sanno , xilli kooxda lagu naaneeso  Spurs-ka  ay sheegtay  inaysan  dooneynin inay dalabkooda kor uga  soo qaadaan € 17m.

Memphis waxa uu rabaa in ka warsuggo barca haddii uu  fursad kale  kaheli karo shaxda koowaad  wakhti xaadirkan, maadaama uu xiddigga  doonayn in uu kulaabto Premier League

Marka la eego in uu yahay sanad koobka adduunka Memphis uu doonayo in uu ku yimaado qaabka ugu fiican ee suurtogalka ah, waxa ay u muuqataa wax aan macquul ahayn in uu sii joogo  kursigga  kaydka ee barca . Haddii dalab bixitaan la heli karo kaasoo  ku habboon  Barcelona iyo Memphis waa fasaxi doonaa xiddigga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close