Tababaraha kooxda PSG oo ka hadlay xiisaha ay chelsea u qabto saxiixa Kimpembe

(Paris) 17 Luulyo 2022. Tababaraha cusub ee Paris Saint-Germain Christophe Galtier ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee Presnel Kimpembe kaasoo Lala xiriirinayo kooxda Chelsea.

Thomas Tuchel ayaa isha ku haya in uu xoojiyo daafaciisa xagaagan waxaana uu u weecday dhanka daafaca dhexe ee France kaddib markii uu la soo wareegay Kalidou Koulibaly oo ay kala soo wareegeen Napoli.

Laakiin Galtier ayaa sheegay in uu akhriyay warbixinnadda suuqa kujiray isla markaana uu ku qoslay, inkastoo uusan meesha ka saarin in lala wareegi karro xiddigga.

Isagoo la hadlayay wargayska L’Equipe, wuxuu yiri: ‘Waan akhriyay wax walba oo laga sheegay Kimpembe. Xataa waanu ku wada qoslaynay.

“Waan jeclahay isaga – waa daafac dhexe oo weyn laakiin waxa dhici doona, ma aqaano.”

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta daafacyadda xagaagan kaddib markii ay ka tageen Antonio Rudiger iyo Anders Christensen.

Blues ayaa xaqiijisay inay 34 milyan oo ginni kula soo wareegtay Koulibaly sabtidii, waxaana la filayaa inay xoojin dheeraad ah ka helaan ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Nathan Ake oo Chelsea ay baadi goob u gashay ayaa hadda u muuqda inuu sii joogayo Manchester City, xilli Kimpembe Lasoo sheegayo hadda inuu yahay kan ugu sarreeya xagga Dadar galinta blues.

26-sanno jirkaan ayaa horay ula soo shaqeeyay Tuchel intii lagu jiray labo sanno iyo bar oo uu Jarmalku maamulayay Parc des Princes.

Kimpembe ayaa waayihiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay kooxda PSG waxuuna ku biiray asiga oo 9 sanno jir ah xilli uu kooxda u saftay 221 kulan.

Saxiixa Koulibaly ayaa ahaa saxiixii labaad ee Chelsea xagaagan kaddib markii uu yimid Raheem Sterling horaantii isbuucaan.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ayaa xilli ciyaareedka cusub ku furan doonta Everton 6-da bisha agoosto kahor inta aysan martigelin Tottenham isbuuca Labaad Ee horyaalka Premier League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close