RASMI: Manchester United oo ku dhawaaqday Lisandro Martinez

(Manchester) 17 Luulyo 2022.  Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la gaartay Ajax si ay u hesho daafaca reer Argentina Lisandro Martínez.

Lisandro Martinez ayaa u saxiixay  Manchester United heshiis shan sannadood ah oo lagu darayo sannad kale oo dheeri ah.

Manchester United ayaa ku bixisay saxiixa Lisandro Martinez aduun dhan £55.3 milyan oo Gini marka lagu daro ku dhowaad £10 milyan oo dheeraad ah oo noqonaysa lacago ku xidhan bandhiggiisa inta uu joogo garoonka Old Trafford.

Magaca Lisandro Martínez ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqista Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, kaddib markii tababaraha cusub ee Holland, Erik ten Hag, uu codsaday saxiixiisa.

Erik ten Hag ayaa si fiican uga warqaba awooda Lisandro Martínez, isagoo la soo shaqeeyay muddo dheer, wuxuuna macalin u ahaa Ajax ilaa dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close