Oliver Kahn oo xaqiijiyay go’aanka Bayern Munich ee ku saabsan saxiixa Ronaldo

(Munich) 17 Luulyo 2022. Maamulaha guud Bayern Munich ee Oliver Kahn, ayaa xaqiijiyay go’aanka kooxda ee qandaraaska xiddiga reer Portugal iyo Manchester United ee Cristiano Ronaldo, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee hadda.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bavaria, Hasan Salihamidzic, ayaa albaabka ka xiray fikradda ah in Bayern ay qandaraas la gasho Ronaldo xilligaan, isagoo sheegay in kooxda aysan ka fiirsan doonin inay hesho adeegiisa.

Haddba Maamulaha guud Bayern Munich ee Oliver Kahn oo ka hadlayay wararka kooxda la xiriirinaya Cristiano Ronaldo, ayaa wuxuu yiri:

“Waan jeclahay Cristiano Ronaldo, qof walbana waa uu garanayaa inuu runtii yahay ciyaaryahan weyn, laakiin koox kastaa waxay leedahay falsafadeeda, mana hubo in tallabadaasi ay sax u tahay Bayern iyo Bundesliga, haddii aan hadda la soo wareegno.”

“Tallaabadan oo kale uma eka mid ku haboon fikradaha aan halkan ka fulinayno ee Bayern Munich.” Ayuu yiri Oliver Kahn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close