Man City oo go’aamisay mustaqbalka Bernardo Silva

(Manchester) 17 Luulyo 2022 Kooxda kubadda cagta Manchester City Ayaa Lagusoo warrmayaa inaysan wax niyad ah u haynin inay iibiso Bernardo Silva xagaagan inkasta oo la sheegay in uu u dhaqaaqayo Barcelona.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 27 jirka ah ayaa ku biiray kooxda kadhisan Etihad 2017, waxaana uu tan iyo markaas ku guuleystay siddeed koob oo waaweyn muddo shan sanno ah uu joogay kooxda.

Waxa uu u ciyaaray 35 jeer kooxdii ku guuleysatay Premier League ee City sannadkii hore, waxaana loo magacaabay kooxda sanadka ee PFA.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mirror, Pep Guardiola ayaa wali u arka Silva qeyb muhiim ah oo ka tirsan kooxdiisa mana iibin doono ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo horaantii bishaan uu wargayska Isbaanishka ee Sport sheegay in heshiis 70 milyan oo ginni ay Barcelona La gashay xiddiga reer Portugal uu miiska u saarnaa.

Silva ayaa sannad ka hor ku dhawaaday in uu ku biirayo kooxda Barcelona laakiin waxa uu u fashilmay in uu ku biiro kooxda Barcelona sababo la xiriira dhaqaalo xumo soo wajahday naadiga Catalan.

Kooxda reer Catalan ayaa weli wajaheysa arrimo deymo ah, waxaana laga yaabaa inaysan awoodin inay la soo wareegto Silva ka dib markii ay Robert Lewandowski ku keeneen £42.5m maalintii Sabtida ee shalay

City ayaa suuqa kala iibsiga ku kharash garaysay ku dhawaad ​​100 milyan gini iyagoo Lasoo saxiixday Erling Haaland iyo Kalvin Phillips, halka Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus ay ka hayaameen naadigga xilli ay kukala biireen Chelsea iyo Arsenal.

Yeelkeeda, Tababare Pep Guardiola Ayaa waqtigaan Lasoo sheegayaa inuu diiradda saari doono inuu isku haayo kooxdiisa si ay ugu guuleystaan ​​​​horyaalkii shanaad ee Premier League lix sanno gudahood

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close