Bayern Munich oo sare u qaadaysa xiisaha ay u qabto Matthijs de Ligt

(Munich) 17 Luulyo 2022. Bayern Munich ayaa kordhin doonta dalabkeeda Matthijs de Ligt xilli Robert Lewandowski uu ka tagay kooxda.

Sheekada suuqa kala iibsiga ee Lewandowski ayaa inta badan xakameysay wararka ku saabsan kooxda heysata horyaalka Bundesliga xagaagan, kaddib markii xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu ku wargeliyay kooxda inuu doonayo inuu baxo.

Inkastoo Bayern ay markii hore go’aansatay inay ceshato weeraryahankeeda rugcadaaga ah, haddana waxay makii danbe u ogolaatay inuu udhaqaaqo Barcelona.

Xilli mustaqbalka Lewandowski hadda la soo gaba gabeeyay, Bayern waxay dareenkeeda u jeedin doontaa inay dib u maalgeliso 50-ka milyan ee euro oo ay Barcelona ka heshay si ay u horumariso kooxdeeda, gaar ahaan daafaceedda.

Sadio Mane iyo Ryan Gravenberch ayaa horey ugu biiray awooda weyn ee Jarmalka, sida laga soo xigtay wariyaha reer Talyaani Nicolo Schira, de Ligt ayaa ah bartilmaameedka xiga ee bavarian.

Bayern ayaa qorsheynaysa inay la fadhiisato Juventus si ay ugasoo qaataan daafaca tayadda badan ee De Ligt iyadoo juventus ay €90m dul dhigtay daafaca dhexe ee Holland.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close