RASMI: Chelsea oo la saxiixatay Kalidou Koulibaly… (Immisa sano ayuu qalinka ku duugay?)

(London) 16 Luulyo 2022. Chelsea ayaa saakay oo sabti ah ku dhawaaqday inay la soo wareegtay daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly.

Daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa kaga soo biiray Chelsea kooxda Napoli, wuxuuna u saxiixay heshiis 4 sano ah.

Koulibaly waa ciyaaryahankii labaad ee xagaagan ku soo biira kooxda Chelsea, iyada oo horey ula soo wareegtay garabka xulka qaranka England ee Raheem Sterling.

Koulibaly ayaa kaddib imaatinkiisa Chelsea, wuxuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan la joogo kooxdan Chelsea, waa koox heer caalami ah, waligeedna waxay ii ahayd riyadeyda inaan ka ciyaaro Premier League.”

“Chelsea markii ugu horeysay waxay i dooneysay 2016, laakiin kuma guuleysan, hadda markii ay ii yimaadeen waan aqbalay, sababtoo ah waxay runtii doonayeen inaan imaado Premier League si aan ula ciyaaro.”

“Markii aan la hadlay saaxiibadeyda ii dhow ee Édouard Mendy iyo Jorginho, waxay ii fududeeyeen doorashadayda, sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta idin la joogo.”

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo taageerayaasha sababtoo ah waxaan ku arkay qaar badan oo iyaga ka mid ah oo ku sugan London iyo diyaaradda, qof walba wuu ku faraxsanaa joogitaankeyga, waxaana rajeynayaa in xilli ciyaareedka uu noqon doono mid aad u wanaagsan, waxaana siin doonaa taageerayaasha waqtiyo wanaagsan.”

Dhankiisa mulkiilaha cusub kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa yiri:

“Kalidou Koulibaly waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka, waana ku faraxsanahay inaan ku soo dhaweyno kooxda.”

“Ka hoggaamiye fantastik ah iyo ciyaaryahan ku dayasho mudan, Kalidou wuxuu na siin doonaa khibrado badan, iyo astaamo faa’iido u leh kooxda oo dhan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close