Barcelona oo heshiis la gaartay Bayern si ay u iibsato Lewandowski

(Barcelona) 16 Luulyo 2022. Illo wareedyo laga helayo gudaha Barcelona ayaa xaqiijiyay in Robert Lewandowski uu horay u noqday ciyaaryahan kooxda reer Catalonia ah, iyo in kooxda ay kala heshiisay Bayern Munich inay bixiso 45 million euros, marka lagu daro qiyaastii 5 million oo gunnooyin ah.

Barcelona ma aysan dooneynin inay hal mar ku bixiso 50 million euros, balse waxay horumarisay dalabkii ugu dambeeyay ee ay horrey u soo bandhigtay, kaasoo ahaa kaliya 40 million euros.

Wararka ayaa sheegaya in cadaadiskii uu ciyaaryahanka ku hayay maamulka kooxdiisa uu ahaa mid lagu guuleystay, waana midda keentay in Bayern ay marka hore ogolaato inay wadahadlaan, kadibna ay go’aansadaan inay aqbalaan dalabka dambe ee Blaugrana.

Lewandowski ayaa tan iyo Talaadadii ku jiray tababarka Bayern Munich, laakiin ma doonayo inuu ka soo muuqdo taageerayaasha kooxdiisa Jarmalka sabtida, laakiin wuxuu rajeynayaa inuu manta oo sabti ah yimaado Barca si uu ugu biiro kooxda uu maamulo Xavi ee socdaalkoodu yahay Mareykanka.

Inkastoo Barcelona iyo wakiilka ciyaaryahanka, Pini Zahavi, ay ku heshiiyeen 3 sano oo qandaraas ah weeraryahanka reer Poland, Lewandowski ayaa saxiixi doona qandaraas 4 sano ah oo kula joogayo Barca, sida xogta la heli karo saacadihii ugu dambeeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close