Nkunko oo qof kasta kaga naxsaday go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa RB Leipzig

(Leipzig) 15 Luulyo 2022. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France iyo kooxda RB Leipzig Christopher Nkunku, ayaa sheegay in shaqadii uu u hayay kooxdiisa aysan wali dhammaan, taasoo muujineysa inuu sii joogi doono muddo dheer.

Magaca Christopher Nkunku ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagayo RB Leipzig xagaagan, kaddib markii uu si xoogan u soo jiitay sanadkan indhaha kooxo waa weyn oo yurub, isaga oo dhaliyay goolal isla markaana caawiyay in ka badan 30 gool xilli ciyaareedkii hore.

Real Madrid, oo ay weheliso kooxdiisii ​​hore, Paris Saint-Germain, iyo Chelsea, ayaa ka mid ahaa kooxaha ugu cad cad ee u sharraxan adeegga xiddiga reer France, laakiin Nkunku ayaa qof walba kaga nixiyay go’aankiisa ah inuu sii joogayo RB Leipzig muddo dheer.

Sida laga soo xigtay shabakada Goal, Christopher Nkunku ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Aniga ahaan waxaa ii fiicnaan lahayd in aan halkan heshiiska u kordhiyo, waxaan dareemayaa inaan joogo sida gurigeyga, magaaladan iyo kooxdan.”

“Wali ma arko in shaqadeyda halkan ay dhammaatay, sidaa darteed kuma fikirayo inaan ka tago kooxda sannadka dambe.”

“Waxaan sameynay wax wanaagsan koox ahaan xilli ciyaareedkii hore, laakiin weli waxaa jira wax badan oo soo socda, waxaana doonayaa inaan sii wado guulaha halkaan Leipzig.”

Waxaa xusid mudan in Christopher Nkunku, oo 24 jir ah, uu qandaraaska u cusbooneysiiyay Leipzig ilaa xagaaga 2026.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close