Tuchel oo ka hadlay suurtagalnimada ay Chelsea kula saxiixan karto Ronaldo

(London) 14 Luulyo 2022. Tababaraha reer Jarmal ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu kula soo wareegi karo xiddiga Manchester United Cristiano Ronaldo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Isagoo ka jawaabaya arrintan, macalinka reer Germay iyo kooxda Chelsea ee Tuchel ayaa wuxuu yiri:

“Ma diidayo qandaraaska weeraryahan, laakiin hadda ma ahan mudnaanteena koowaad, mudnaanta hadda waa difaaca, tani ma ahan wax qarsoon.”

“Waxaan luminay ciyaaryahano waa weyn ee dhanka daafaca ah, marka hadda waxaan dooneynaa inaan ku bedelno kuwa kale.”

Warbixino hore ayaa sheegay in milkiilaha cusub ee Chelsea, Todd Boehly, uu xiisaynayo saxiixa Cristiano Ronaldo, waxaana la sheegay inuu la kulmay wakiilkiisa, Jorge Mendes, bishii hore, iyadoo ajandaha Blues uu ku jiro magaca Ronaldo.

Cristiano ayaa weli fasax ugu maqan sababa la xiriira arrimo qoys, maadaama uu seegay safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda Manchester United ku bixineyso wadamada Thailand iyo Australia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close