Man United oo ku dhow inay dhamaystirto heshiis laga filayay tan iyo bilowgii suuqa xagaagan

(Manchester) 14 Luulyo 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiis laga filayay tan iyo bilowgii suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mai, kooxda Manchester United ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa daafaca naadiga Ajax Amsterdam iyo xulka qaranka Argantina ee Lisandro Martinez.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in heshiiska uu ku dhow yahay in la soo gabagabeeyo manta oo Khamiis ah, waxaana la filayaa inuu heshiiska gaaro 46 million pounds, kaddib markii Ajax ay diiday dalabkii ugu horreeyay ee United, kaasoo qiimihiisu ahaa 42.5 million pounds, oo lagu daray gunnooyinka.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Martinez uu ku wargaliyay maamulka Ajax inuu doonayo inuu ka tago kooxda, kaddib markii uu ogaaday xiisaha Arsenal iyo Manchester United ay u qabaan adeegiisa.

Ajax move the goalposts as Lisandro Martinez looks to force Man Utd  transfer - Mirror Online

Lisandro Martinez oo 24 jir ah, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista qeybta dhexe ee daafaca, wuxuuna qandaraas kula jiraa Ajax Amsterdam ilaa June 2025.

Daafaca da’da yar ee Argentine ayaa u dhaqaaqay Ajax Amsterdam isagoo ka yimid Defensa 2019, tan iyo markaas wuxuu u ciyaaray 118 kulan tartamada oo dhan, isaga oo dhaliyay 6 gool, wuxuuna caawiyay 6 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close