Raphinha oo u safraya dalka Spain si uu u dhammeystiro ku biiristiisa kooxda Barcelona

(Barcelona) 03 Luulyo 2022. Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoda sida aadka ah wax uga qora ee Fabrizio Romano, ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka reer Brazil iyo kooxda Leeds United ee Raphinha uu maanta u safri doono Barcelona, ​​ si uu u dhammeystiro heshiiska rasmiga ah uu ugu wareegayo naadiga reer Catalonia.

Magaca 25-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Leeds United xagaagan, xilli ay si wadajir ah u xiiseynayeen kooxaha Chelsea iyo Barcelona inay helaan adeegiisa.

Inkastoo Chelsea ay dalab weyn ka gudbisay Raphinha, haddana ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku cadaadiyay maamulka Leeds United inay u ogolaadaan ku biirista Barcelona.

Fabrizio Romano ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in Barcelona ay heshiis shan sano ah la gali doonto Raphinha kaasoo soconaya ilaa xagaaga 2027, wuxuuna ugu wareegi doonaa garoonka Camp Nou qiimo dhan 58 million euros, lagu daray 10 million kale oo ah gunnooyinka.

Suxufigan caanka ayaa sharaxay in sababta uu Raphinha u doonayo ku biirista Barcelona isla markaana uu isaga diiday dalabka Chelsea, ay tahay inuu doonayo in uu ka dhabeeyo riyadiisa ah xirashada maaliyada Barca.

Raphinha ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaca ah maro baaritaan caafimaad, si loogu diyaar garoobo ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska, iyadoo Fabrizio Romano uu sheegay in maamulka Barcelona ay hadda u heelan yihiin heshiiska Robert Lewandowski, isla markaana ay diirada saari doonaan sida ay ku xalin lahaayeen maalmaha soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close