Sterling oo farriin qiiro leh ku macsalaameeyay Man City

(Manchester) 13 Luulyo 2022. Xiddiga heerka caalami ee dalka England Raheem Sterling ayaa macsalaameeyay kooxdiisa Manchester City, iyadoo Chelsea ay isku diyaarineyso inay ku dhawaaqdo saxiixiisa.

Raheem Sterling ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin uu ku macsalaameeyay kooxda Manchester City, wuxuuna yri:

“7 xilli, 11 koob oo waaweyn, waa xusuu waligeed jiri doonta.”

“Shaqaalaha tababarka ee doorka weyn ka qaatay horumarkayga sanadihii lasoo dhaafay, asxaabtayda oo noqday dad ka badan dadka aan garoonka la wadaago, shaqaalaha maamulka, kuwa xafiisyada jooga, taageerayaasha oo si hagar la’aan ah u taageeray kooxda, qof walba oo xiriir la leh Manchester City, ixtiraamka aan idin haayo wuxuu ahaan doonaa mi weyn.”

“Waxaan imid Manchester anigoo 20 jir ah, maantana waxaan ka tagayaa anigoo nin muuqda ah, waad ku mahadsan tihiin taageeridiina aan dhamaadka lahayn, sharaf ayey ii aheyd inaan xirto maaliyadda Manchester City.”

Raheem Sterling ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka Blues, waxaana uu saxiixay qandaraas ilaa 2027 ah, sida ay sheegayaan warbixinadii hore ee wargeysyada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close