Tallaabo cusub oo Lewandowski u soo dhawaynaysa inuu ku biiro Barcelona

(Barcelona) 12 Luulyo 2022. Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday tallaabo cusub oo u soo dhaweyneysa xiddiga reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski, inuu u dhaqaaqo Barcelona xilli ciyaareedka soo socda.

Barcelona ayaa u dhididaysa sidii ay u heli lahayd saxiixa dilaaga Robert Lewandowski si uu u hoggaamiyo weerarka kooxda uu macalinka u yahay Xavi Hernandez xilli ciyaareedka dambe iyada oo la eegayo in aanu xiddigan diyaar u ahayn in uu sii joogo garoonka Allianz Arena oo aanu heshiis cusub u saxiixin, wuxuu qandaraaskiisa dhacayaa June 2023.

Wargeyska Catalonia ka soo baxa ayaa tilmaamay in Lewandowski uu ku laabtay Munich uuna isku diyaarinayo inuu qolka labiska Bayern ku sugnaado Arbacada ama Khamiista soo socota si uu u macsalaameeyo saaxiibadiisa, si uu ugu diyaar garoobo inuu qaato boorsooyinkiisa iyo inuu ka tago kooxda.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay Robert Lewandowski, balse waxay wali la xaajooneysaa Bayern iyadoo rajeyneysa inay heshiis ka gaarto qiimaha dhaqaale ay kula saxiixaneyso ciyaaryahanka.

Dalabkii ugu dambeeyay ee Barcelona ay miiska u saartay Bayern ayaa dhan 50 million euros, iyadoo ciyaaryahanka la siiyay qandaraas seddex sanno ah oo uu ku kordhin karo sanadka afaraad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close